Log in

goodpods headphones icon

To access all our features

Open the Goodpods app
Close icon
Adeeg Wanaag - Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadaha

Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadaha

04/04/21 • 29 min

Adeeg Wanaag

Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa'illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo taariikh ahaan ahaayeen labadan gobol goobo ay ka jiraan loollan siyaasadeed oo qaraar iyo dagaallo isdaba joog ah, iyadoo kooxo badan ay sheeganayeen inay ka taliyaan qeybo kala duwan oo labadan gobol katirsan. Muddadii 2015 ilaa 2019 Galmudug labo ayay u kala jabtay, maamullo kala gaar ahna waxaa laga kala dhisay dhumasareb iyo Cadaado. Sikastaba ha noqotee, kadib isku dayo badan oo dib-u-heshiisiin oo ay ku guuldareysteen dhinacyo kala duwan, geeddi-socodkii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagusoo dabaalo nabad iyo in la dhiso dowlad xasilan ayaa waxaa laga gaaray guul.

Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug.
Daraasadan waxaa sameeyay Somali Public Agenda intii u dhaxeysay bilihii Luulyo iyo Sebteember 2020, iyadoo taageero laga helayo hay’adda Interpeace.

Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

plus icon
bookmark

Previous Episode

undefined - Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million.
Waxa uu Mahad Wasuge podcast-gan kusoo koobayaa faallo aan dhawaan ka daabacnay miisaaniyadda dowladda federaalka sanadka 2021 ee loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

Next Episode

undefined - Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.

Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta.

Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada.

Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May, casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.

Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

Episode Comments

Generate a badge

Get a badge for your website that links back to this episode

Select type & size
Open dropdown icon
share badge image

<a href="https://goodpods.com/podcasts/adeeg-wanaag-224598/dib-u-heshiisiinta-galmudug-geeddi-socodka-caqabadaha-iyo-fursadaha-25516342"> <img src="https://storage.googleapis.com/goodpods-images-bucket/badges/generic-badge-1.svg" alt="listen to dib-u-heshiisiinta galmudug: geeddi-socodka, caqabadaha iyo fursadaha on goodpods" style="width: 225px" /> </a>

Copy