Adeeg Wanaag
Somali Public Agenda
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
...more
All episodes
Best episodes
Top 10 Adeeg Wanaag Episodes
Best episodes ranked by Goodpods Users most listened
10/01/22 • 45 min
Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo.
Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaalintooda qaataan.
Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed, Qaasim Jimcaale & Maxamed Aadam ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga caafimaadka, xaaladda adeegga caafimaadka ee gobolka Banaadir, caqabadaha horyaalla iyo sida lagu xallin karo caqabadahaas.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
10/01/22 • 45 min
04/06/22 • 83 min
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.
Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.
Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
04/06/22 • 83 min
09/07/21 • 83 min
Halkan ka daawo madal aan ku qabannay Garowe oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
09/07/21 • 83 min
Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya
Adeeg Wanaag
08/16/21 • 34 min
Halkan ka dhageyso Public Agenda Forum oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay hannaanka federaaleynta maaliyadda Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
08/16/21 • 34 min
05/18/21 • 25 min
1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.
Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta.
Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada.
Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May, casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
05/18/21 • 25 min
04/04/21 • 29 min
Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa'illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo taariikh ahaan ahaayeen labadan gobol goobo ay ka jiraan loollan siyaasadeed oo qaraar iyo dagaallo isdaba joog ah, iyadoo kooxo badan ay sheeganayeen inay ka taliyaan qeybo kala duwan oo labadan gobol katirsan. Muddadii 2015 ilaa 2019 Galmudug labo ayay u kala jabtay, maamullo kala gaar ahna waxaa laga kala dhisay dhumasareb iyo Cadaado. Sikastaba ha noqotee, kadib isku dayo badan oo dib-u-heshiisiin oo ay ku guuldareysteen dhinacyo kala duwan, geeddi-socodkii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagusoo dabaalo nabad iyo in la dhiso dowlad xasilan ayaa waxaa laga gaaray guul.
Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug.
Daraasadan waxaa sameeyay Somali Public Agenda intii u dhaxeysay bilihii Luulyo iyo Sebteember 2020, iyadoo taageero laga helayo hay’adda Interpeace.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
04/04/21 • 29 min
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million.
Waxa uu Mahad Wasuge podcast-gan kusoo koobayaa faallo aan dhawaan ka daabacnay miisaaniyadda dowladda federaalka sanadka 2021 ee loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
03/23/21 • 16 min
12/23/20 • 21 min
17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.
Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.
Burhan Warsame Abdi waa aqoon yahan bartay Arrimaha Dowlanimada, Siyaasadda loo dhan yahay, iyo Federalismka. Waxa uu hadda ka tirsan yahay Somali Dialogue Platform. Waxa uu soo qabtay howlo kala duwan. Waxa uu noqday Agaasimaha Guud ee Xafiiska RW (Chief of Staff); La taliye Arrimaha Doorashooyinka; Xubin Guddiyada xiriirinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada (Federal Negotiating Technical Team); Xubin Guddiga Wadaagga Kheyraadka Dalka; Goobjooge Doorashooyinkii 2012 iyo 2016/17; waxa uu sidol kale la shaqeeyey hay'ado badan oo caalami ah.
Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
12/23/20 • 21 min
11/25/20 • 24 min
Doorasho dadban oo labaad ayaa la jadwaleeyey in ay mar kale ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 iyo horraanta sanadka 2021. Sida ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka 17-kii Sebteembar ee 2020, doorasho dadban ayaa ka dhici doonta labo degmo oo kamid ah dowlad-goboleed walba, halkaas oo ergooyinka doorashada ee lagasoo xulay beelaha ay u codeynayaan kursi kasta oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 54-ta xubnood ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale soo dooran doona xildhibaannada dowlad-goboleedyada, si lamid ah hannaankii doorashada ee 2016.
Sanadkii 2016-kii, ergooyin doorasho oo ka badan 14 kun oo muwaadin oo lagasoo xulay beelaha ayaa soo doortay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Muddo xileedkooda waxa uu dhammaan doontaa 27-ka Diseembar ee 2020.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
11/25/20 • 24 min
11/17/22 • 33 min
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha.
Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir, iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
11/17/22 • 33 min
Show more

Show more
FAQ
How many episodes does Adeeg Wanaag have?
Adeeg Wanaag currently has 32 episodes available.
What topics does Adeeg Wanaag cover?
The podcast is about Podcasts, Education and Government.
What is the most popular episode on Adeeg Wanaag?
The episode title 'Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka' is the most popular.
What is the average episode length on Adeeg Wanaag?
The average episode length on Adeeg Wanaag is 36 minutes.
How often are episodes of Adeeg Wanaag released?
Episodes of Adeeg Wanaag are typically released every 32 days, 19 hours.
When was the first episode of Adeeg Wanaag?
The first episode of Adeeg Wanaag was released on Jan 18, 2020.
Show more FAQ

Show more FAQ
Comments
0.0
out of 5
No ratings yet