Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Nazreen Zallah
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.
podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay.
"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".
All episodes
Best episodes
Seasons
Top 10 Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah Episodes
Goodpods has curated a list of the 10 best Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah episodes, ranked by the number of listens and likes each episode have garnered from our listeners. If you are listening to Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah for the first time, there's no better place to start than with one of these standout episodes. If you are a fan of the show, vote for your favorite Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah episode by adding your comments to the episode page.
Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
12/23/23 • 39 min
Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [ inner child ]. الطفل الداخلي
Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.
Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay.
Dhagaysi wanaagsan🧡
Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
02/21/24 • 21 min
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano, u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.
Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛
Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
10/20/23 • 29 min
Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.
Maxaan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra| Muhiimada Qur.aanka
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
01/22/24 • 24 min
Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana ilaahay xadhigiisa adkee
Xalqadan waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.
Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️🩹
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
10/14/23 • 12 min
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.
Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’ hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.
In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.
Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee.
Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.
Waan ku jeclahay🧡
Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"الوعي "
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
09/29/23 • 54 min
Wacyigu waa urursiga khibradeed ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad.
xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.
Dhibaatada dad isla barbar dhiga | comparison problem.
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
09/23/23 • 34 min
Isla barbar-dhiga dadku
Waa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin.
Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday.
Ruux-kaste quruxbaa gudihiisa ah, hadii uu is aamino.
Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah,
kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya.
Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya.
🌸🧡🌸
[ Is aamin oo duwanaan-shiyahaaga dibada keen, dadka kalena u ogoloow duwanaan-shiyahooda in ay dibada keenaan ].
Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado’ | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
09/15/23 • 33 min
Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.
Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.
Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | التعلق | Attachment.
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
09/06/23 • 41 min
Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ).
- Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto.
- Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga aynu sheeko wadaaga nahay, saaxibada amaba wax-yaabaha kale ee aynu si uun ula dhaqano haday shaqo tahay iyo hadii ay wax-kale tahayba.
- Waxa kale oo aan kaga hadlay xalqadan Tusaalayaasha aad ku garan karto in aad jacayl caafimaad qaba wax jeclayn balse aad jacayl aan caafimaad qabin wax jeceshahay.
- Iyo sida aad isu caawin karto, amaba aad u yeelan karto wacyiga quseeya jeclaan-shiyaha aan fayoobeyn ee aad naftaada ku dhibaateyn karto, dadka kalena dhib uugu gaadhsiin karto.
EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
05/05/24 • 11 min
Xasuusinta maanta
Murugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.
Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Show more best episodes
Show more best episodes
FAQ
How many episodes does Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah have?
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah currently has 31 episodes available.
What topics does Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah cover?
The podcast is about Religion & Spirituality, Podcasts, Self-Improvement and Education.
What is the most popular episode on Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah?
The episode title 'Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️🩹' is the most popular.
What is the average episode length on Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah?
The average episode length on Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah is 24 minutes.
How often are episodes of Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah released?
Episodes of Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah are typically released every 9 days, 4 hours.
When was the first episode of Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah?
The first episode of Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah was released on Aug 16, 2023.
Show more FAQ
Show more FAQ